SUAALAHA IYO JAWAABAHA BUUGA COMPUTER -CASHIRKA MS WORD
20 Su’aalood iyo Muraajacadood – MS Word
- Waa maxay Microsoft Word?
Jawaab: Microsoft Word waa barnaamij loo isticmaalo qorista, tafatirka iyo habaynta dukumentiyada. - Maxaa loo isticmaalaa MS Word?
Jawaab: Waxaa loo isticmaalaa qorista waraaqo, warbixinno, CV-yo, buugaag iyo dukumentiyo kale. - Waa maxay document?
Jawaab: Document waa fayl ama qoraal lagu sameeyo laguna kaydiyo Microsoft Word. - Sidee loo furaa Microsoft Word?
Jawaab: Waxaa laga furi karaa Start Menu, kadibna la raadiyaa Microsoft Word oo la gujiyaa. - Waa maxay keyboard?
Jawaab: Keyboard waa qalab lagu geliyo computer-ka qoraal, tirooyin iyo calaamado. - Waa maxay mouse?
Jawaab: Mouse waa qalab lagu dhaqaajiyo cursor-ka laguna doorto ama lagu furo waxyaabaha ku jira computer-ka. - Maxay qabataa furaha Enter?
Jawaab: Enter waxaa loo isticmaalaa in lagu bilaabo sadar cusub ama lagu xaqiijiyo amar. - Maxay qabataa Spacebar?
Jawaab: Spacebar waxaa loo isticmaalaa in meel bannaan laga dhex sameeyo erayada. - Waa maxay Save?
Jawaab: Save waxaa loo isticmaalaa in lagu kaydiyo document-ka. - Waa maxay Save As?
Jawaab: Save As waxaa loo isticmaalaa in document-ka lagu kaydiyo magac cusub ama meel kale. - Waa maxay font?
Jawaab: Font waa qaabka ama naqshadda xarfaha qoraalka, sida Arial iyo Times New Roman. - Waa maxay Bold?
Jawaab: Bold waxaa loo isticmaalaa in qoraalka laga dhigo mid dhumuc weyn. Shortcut-keeduna waa Ctrl + B. - Waa maxay Italic?
Jawaab: Italic wuxuu qoraalka ka dhigaa mid jiifa. Shortcut-keeduna waa Ctrl + I. - Waa maxay Underline?
Jawaab: Underline wuxuu xarriiq hoosta ka mariyaa qoraalka. Shortcut-keeduna waa Ctrl + U. - Sidee loo koobiyeeyaa (Copy) qoraal?
Jawaab: Qoraalka ayaa la doortaa, kadibna waxaa la riixaa Ctrl + C. - Sidee loo dhajiyaa (Paste) qoraal?
Jawaab: Waxaa la riixaa Ctrl + V kadib marka qoraalka la copy-gareeyo. - Maxaa loo isticmaalaa Cut?
Jawaab: Cut waxaa loo isticmaalaa in qoraal ama shay laga jaro meesha uu ku yaallo si meel kale loogu raro. Shortcut-keeduna waa Ctrl + X. - Waa maxay Undo?
Jawaab: Undo waxaa loo isticmaalaa in lagu noqdo tallaabadii ugu dambaysay ee la sameeyay. Shortcut-keeduna waa Ctrl + Z. - Waa maxay Print?
Jawaab: Print waxaa loo isticmaalaa in document-ka loogu diro printer si warqad ahaan loo soo saaro. Shortcut-keeduna waa Ctrl + P. - Waa maxay keyboard shortcuts?
Jawaab: Keyboard shortcuts waa furayaal la isku daro si hawlo degdeg ah loogu qabto computer-ka, tusaale ahaan Ctrl + S oo lagu kaydiyo document-ka.