Skip to main content

DALLADDA ISLAAMIGA AH EE AL-TAYSIIR

DALLADDA ISLAAMIGA AH EE AL-TAYSIIR

رابطة التـــــيسيـــــــر الإسلامية

SUAALAHA IYO JAWAABAHA BUUGA COMPUTER -CASHIRKA MS WORD

20 Su’aalood iyo Muraajacadood – MS Word

  1. Waa maxay Microsoft Word?
    Jawaab: Microsoft Word waa barnaamij loo isticmaalo qorista, tafatirka iyo habaynta dukumentiyada.
  2. Maxaa loo isticmaalaa MS Word?
    Jawaab: Waxaa loo isticmaalaa qorista waraaqo, warbixinno, CV-yo, buugaag iyo dukumentiyo kale.
  3. Waa maxay document?
    Jawaab: Document waa fayl ama qoraal lagu sameeyo laguna kaydiyo Microsoft Word.
  4. Sidee loo furaa Microsoft Word?
    Jawaab: Waxaa laga furi karaa Start Menu, kadibna la raadiyaa Microsoft Word oo la gujiyaa.
  5. Waa maxay keyboard?
    Jawaab: Keyboard waa qalab lagu geliyo computer-ka qoraal, tirooyin iyo calaamado.
  6. Waa maxay mouse?
    Jawaab: Mouse waa qalab lagu dhaqaajiyo cursor-ka laguna doorto ama lagu furo waxyaabaha ku jira computer-ka.
  7. Maxay qabataa furaha Enter?
    Jawaab: Enter waxaa loo isticmaalaa in lagu bilaabo sadar cusub ama lagu xaqiijiyo amar.
  8. Maxay qabataa Spacebar?
    Jawaab: Spacebar waxaa loo isticmaalaa in meel bannaan laga dhex sameeyo erayada.
  9. Waa maxay Save?
    Jawaab: Save waxaa loo isticmaalaa in lagu kaydiyo document-ka.
  10. Waa maxay Save As?
    Jawaab: Save As waxaa loo isticmaalaa in document-ka lagu kaydiyo magac cusub ama meel kale.
  11. Waa maxay font?
    Jawaab: Font waa qaabka ama naqshadda xarfaha qoraalka, sida Arial iyo Times New Roman.
  12. Waa maxay Bold?
    Jawaab: Bold waxaa loo isticmaalaa in qoraalka laga dhigo mid dhumuc weyn. Shortcut-keeduna waa Ctrl + B.
  13. Waa maxay Italic?
    Jawaab: Italic wuxuu qoraalka ka dhigaa mid jiifa. Shortcut-keeduna waa Ctrl + I.
  14. Waa maxay Underline?
    Jawaab: Underline wuxuu xarriiq hoosta ka mariyaa qoraalka. Shortcut-keeduna waa Ctrl + U.
  15. Sidee loo koobiyeeyaa (Copy) qoraal?
    Jawaab: Qoraalka ayaa la doortaa, kadibna waxaa la riixaa Ctrl + C.
  16. Sidee loo dhajiyaa (Paste) qoraal?
    Jawaab: Waxaa la riixaa Ctrl + V kadib marka qoraalka la copy-gareeyo.
  17. Maxaa loo isticmaalaa Cut?
    Jawaab: Cut waxaa loo isticmaalaa in qoraal ama shay laga jaro meesha uu ku yaallo si meel kale loogu raro. Shortcut-keeduna waa Ctrl + X.
  18. Waa maxay Undo?
    Jawaab: Undo waxaa loo isticmaalaa in lagu noqdo tallaabadii ugu dambaysay ee la sameeyay. Shortcut-keeduna waa Ctrl + Z.
  19. Waa maxay Print?
    Jawaab: Print waxaa loo isticmaalaa in document-ka loogu diro printer si warqad ahaan loo soo saaro. Shortcut-keeduna waa Ctrl + P.
  20. Waa maxay keyboard shortcuts?
    Jawaab: Keyboard shortcuts waa furayaal la isku daro si hawlo degdeg ah loogu qabto computer-ka, tusaale ahaan Ctrl + S oo lagu kaydiyo document-ka.